Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid oo xalay kulmay

Image

December 17, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isal Wasaraha dhowaan lasoo magacaabi doono Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa xalay madaxtooyada Villa Somalia ku yeeshay kulan muddo saacado ah qaatey.

Kulanka oo albaabadu u xirnaayeen waxaa qayb ka ahaa qaar kamid ah siyaasiyiinta ay Madaxweynaha isku aragtida yihiin aadkana isugu dhow yihiin, gaar ahaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Qodobo dhowr ah ayey labada mas'uul isla soo qaadeen, waxaase ugu muhiimsanaa dhismaha golaha cusub ee wasiirrada iyo xubnaha kamid noqon doona.

Ila wareedyo Villa Somalia ka ag dhow ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu soo jeediyey sida ugu dhaqsaha badan in xukuumadda lagu soo dhiso isagoo dhanka kale soo gudbiyey liiska xubno uu doonayo inay golaha ka dhex muuqdaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhammaan qodobadaas is afgarad laga gaarey islamarkaana Xasan Sheekh si rasmi ah usoo magacaabi doono Ra'isal Wasaaraha muddo 24saac gudahood ah.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu xiligan ah safiirka Somalia u jooga dalka Maraykanka wuxuu muddadii u dhexeysey 2009-2010 soo noqday Ra'isal Wasaraha dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed hogaaminayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM