Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid oo xalay kulmay

Image

December 17, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isal Wasaraha dhowaan lasoo magacaabi doono Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa xalay madaxtooyada Villa Somalia ku yeeshay kulan muddo saacado ah qaatey.

Kulanka oo albaabadu u xirnaayeen waxaa qayb ka ahaa qaar kamid ah siyaasiyiinta ay Madaxweynaha isku aragtida yihiin aadkana isugu dhow yihiin, gaar ahaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Qodobo dhowr ah ayey labada mas'uul isla soo qaadeen, waxaase ugu muhiimsanaa dhismaha golaha cusub ee wasiirrada iyo xubnaha kamid noqon doona.

Ila wareedyo Villa Somalia ka ag dhow ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu soo jeediyey sida ugu dhaqsaha badan in xukuumadda lagu soo dhiso isagoo dhanka kale soo gudbiyey liiska xubno uu doonayo inay golaha ka dhex muuqdaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhammaan qodobadaas is afgarad laga gaarey islamarkaana Xasan Sheekh si rasmi ah usoo magacaabi doono Ra'isal Wasaaraha muddo 24saac gudahood ah.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu xiligan ah safiirka Somalia u jooga dalka Maraykanka wuxuu muddadii u dhexeysey 2009-2010 soo noqday Ra'isal Wasaraha dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed hogaaminayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM