Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa u diyaar-garowga wada-hadallo heersare ah oo dhexmaraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee ku midoobay dalladda Somali Future Forum - Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Magaalada waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isagoo qayb ka noqonaya dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xalliyo ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka taagan ee la xiriira doorashadda oo waqtigeeda dhaafaysa, islamarkaana Madaxweyne Xasan Sheekh mudo-korarsi sanad ah sameystay.

Imaanshiyaha madaxweynaha Puntland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah guusha wada-hadalladan, maadaama Puntland ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah saamilayda siyaasadda. Waxaa la filayaa sidoo kale inuu Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kusoo biiro shirka ay saaxiibada Beesha dhex-dhexaadin doonaan.

Wada-hadalladan oo imaanaya xilli xasaasi ah, ayaa ujeedkoodu yahay in xal waara looga gaaro khilaafka muddada dheer ka taagnaa hannaanka doorashooyinka dalka iyo muranka la xiriira dib-u-eegista dastuurka, oo qodobo kamid ah dowladda hadda jirta wax ka bedeshay iyadoo heshiis laga ahayn.

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka, iyadoo cadaadis xooggan la saarayo madaxda Soomaalida si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo dalka u horseeda xasilooni.

Ilo-wareedyo ku dhow madasha wada-hadallada ayaa xaqiijiyay in kulamadani ay yihiin fursad muhiim ah oo looga baaqsan karo xasilooni darro siyaasadeed. Dadka odorosa siyaasadda ayaa aaminsan in tallaabadan ay tahay mid rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed oo doonaya in heshiis dhab ah laga gaaro masiirka dalka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha wada-hadalladaas iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho ka socda kala soco wararkayaga dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM