Xasan Sheekh "kuma farxin is-casilaadda Caasho Geelle Diiriye"

Image

May 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay is-casilaadda guddoomiyihii hore ee guddiga dib u eegsita dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, Marwo Caasho Geelle Diiriye.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Federaalka ee Radio Muqdisho, wuxuu sheegay inuu ka xunyahay is-casilaadda Caasho Geelle maadaama ay ahayd qof aqoon iyo waayo aragnimo fiican leh, islamarkaana laf-dhabar u ahayd dadaalka loogu jiro in la gaaro Higsiga 2016.

"aad baan uga xumaadey is-casilaadda Marwo Caasho Geelle. Waa go’aan ay iyadu gaartey, waana xushmeyneynaa go’aankeeda. Waxaan uga mahadcelineynaa dadaalka badan ee ay gelisey abaabulka guddiga iyo bilaabistii hawlaha muhiimka ee guddiga horyaalla" ayuu yiri.

Caasho Geelle Diiriye waxay is-casilaaddeeda ku shaacisey shir-jaraa'id oo ay labo maalmood kahor ku qabatey magaalada Gaalkacayo, waxayna sheegtay inay go'aankan qaadatey kadib markii ay qiimeysey arrimo badan, qodobada ay sida gaarka ah farta ugu fiiqdeyna waxaa ugu muhiimsanaa:

  • In muddada kooban ee hartey aan lagu soo diyaarin karin dastuur dhammeystiran oo raali lagu wada yahay.
  • U heellanaan la'aanta in la helo dastuur qaran oo aan ka hor imaaneyn dastuurrada dowladaha qaybta ka ah federaalka.
  • Inaan mudnaan la siin qorshe fiicanna laga yeelan dhameystirka dastuurka.
  • Xubnaha guddiga dib u eegista dastuurka oo aan shaqada diyaar u ahayn.
  • Faragelin lagu sameeyey shaqada  guddiga.
  • Iyo dhaqaalihii guddigu ku hawlgeli lahaa oo la waayey.

Is-casilaadda Caasho Geelle ayaa kusoo aadeysa xilli waqtiga u harsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyaa gabaabsi yahay, ilaa iyo haddana wax tallaabo ah loo qaadin dhanka dib u eegista dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM