Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal hambalyo ah u diray Al-Siisi

Image
Al-Siisi ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimo kadib markii uu helay 39 milyan iyo 702 kun oo cod.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah wuxuu u diray dhigiisa Masar, CabdelFataax Al-Siisi, sidda ku cad qoraal ay faafisay Villa Soomaaliya.

Al-Siisi ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ka dib markii uu helay 39 milyan iyo 702 kun oo cod, sidda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka waddankaas.

"Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeyay labada waddan ee walaalaha ah," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas, Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa "wuxuu murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulmay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM