Xasan Sheekh Maxamuud oo galay dabinka Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku turaan-turooday dabinka Villa Soomaaliya ka leedahay xeerka metelaada gobolka Banaadir ee la isku khilaafsan yahay.

Xeerkaan oo go'aan lagu muransan yahay uu kasoo saarey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 13 xubnood oo Aqalka Sarre ah siinaya gobolka Banaadir, talaabadaas oo aan dastuuri ahayn.

Qodobka 72aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre oo metela dowlad goboleedyada kuna saleysan 18-kii gobol ee dowladii dhexe ay waajib tahay in la bedelo qodobkaas hadii la kordhinayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo taageereysa hindisahaan ayaa la fahansan yahay in qorshahaan ay gedaal uga riixeyso "si ay ugu kala qeybiso dadweynaha isla markaana ay muddo kordhin sharci darro ah ugu hesho".

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa taageeray ansixinta Aqalka Hoose, isagoo ku baaqay in la dhameystiro metelaadda.

Hambalyada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaaneysa xilli siyaasiyiinta kale ee xulafada ay ahaayeen oo uu kamid yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qadiyadaan.

Xubnaha u ololeynayay meelmarinta xeerkaan ayaa kasoo wada jeeday maamulada HirShabelle iyo Galmudug, waxaana fadhigii go'aanka looga soo saarey ka baxay wakiilada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah mudaneyaasha u ololeynayey xeerkaan oo sheegtay magaala madaxda Muqdisho ayaa baraha bulshadda iyo khudbadahooda kaga dhawaajinayey hadalo xanaf leh.

Sharci-dejiyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo meesha ka saarey in eedeynta ku saabsan in ay kasoo horjeedaan xaq uu helo gobolka Banaadir ayaa ku doodey in ay qoonsadeen "sharci-jebinta".

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qiraya in madaxda Villa Soomaaliya ay xeerkaan ku kala qeybinayaan dadweynaha ayaa ku baaqay in aan fursad loo siin.

"Waxaad mooda in kala qeybsanaanta bulshada ay dowladda haatan talada dalka heysaahu ay ka raadineyso fursado waqti dheereysi iyo muddo kororsi, waana inaan ka dheeraana inaan fursadaas siino," ayuu ku yiri Facebook.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ku oor kacsadda qadiyadaha qabiilka, oo ay kamid tahay arrinta metelaadda gobolka Banaadir, marka ay damac siyaasadeed leeyihiin, talaabadaas oo wiiqeysa dowladnimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM