Xasan Sheekh oo Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Itoobiya

Image
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay safiirada Jaamacadda Carabta garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya.

Addis Ababa (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Itoobiya, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu scday kulanka bogaadiyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Itooobiya garab istaagga dhabta ah ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa Madaxweynaha kala qayb galay qaar ka mid ah xubnaha wafdigiisa, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo safiirada Jaamacadda Carabta ee Itoobiya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in uu muhiimad gaar ah u lahaa dalka.

Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM