Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Image

BAYDHABO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah magaalada Baydhabo kula qaatay qaybo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli magaaladaas ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada, adkaynta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, iyo sidii loo horumarin lahaa dowladnimada deegaannada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo xallinta khilaafaadka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta dowladda federaalka iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda, iyagoo muujiyey inay garab istaagi doonaan qorshayaasha qaran ee lagu xoojinayo nidaamka dalka.

Booqashada Madaxweynaha iyo kulankan uu la qaatay odayaasha ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Baydhabo ay kacsan tahay, ka dib markii uu soo shaac baxay loolan adag oo loogu jiro kursiga madaxtinimada ee Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) xilka looga tuuray arrimo siyaasadeed oo salka ku haya loolan u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulkiisa.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay doonayso inay hoggaanka maamulka u soo xasho shaqsiyaad ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo keentay in beelaha deegaanka ee wada dega Koonfur Galbeed ay ka dhex dhalato xiisad iyo loolan ku saabsan cidda hoggaanka la wareegi doonta.

Kulanka Madaxweynaha iyo odayaasha ayaa loo arkaa isku day lagu qaboojinayo xiisaddaas loona raadinayo kalsoonida hoggaanka dhaqanka ee deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM