Xasan Sheekh oo culimada kala hadlay "dagaalka istaagay" ee AS

Image
Kulankan ayaa Jimcihii waxa uu ka qabsoomay xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waxa uu Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qeyb kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa culimada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ayuu ku bogaadiyey "sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka".

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta xukuumadda federaalka Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM