Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa lana kulmaya Abiy Axmed

Image
Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadahadallo Fool-ka-Fool ah oo Abiy Ahmed Ali dalbadey, Xasan Sheekh-na uu aqbalay ayaa ka furmaya Ankara, Turkey, waxaana dhex-dhexaadinaya Erdogan, si heshiis looga gaaro xiisadda ka dhalatay heshiiska Badda.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya kulankan ayaa maanta u socdaalay Turkiga, sidda uu xaqiijiyay telefishinka dowlada oo qoraal kooban kasoo saarey safarkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.

Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.

Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM