Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa Jabuuti

Image
Maalinta madax-banaanida Jabuuti, oo sanad walba la xuso 27-ka Juun, waa maalin fasax qaran ah gudaha Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta u dabaal dagaya sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey  dowladda iyo  shacabka dalka “aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga”.

"Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya." Ayuu cod dheer ku sheegay madaxweynaha goor hore oo isniintii ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Maalinta madax-banaanida Jabuuti, oo sanad walba la xuso 27-ka Juun, waa maalin fasax qaran ah gudaha Jabuuti. Waxay astaan u tahay ku dhawaaqistii gayiga ee ka madax banaanida Faransiiska.

Afti madax-banaani ayaa ka dhacday dhulka Faransiiska ee geeska Afrika 1977 iyadoo ay barbar socdeen doorashooyinkii Golaha Deegaanka. Soomaaliya ayaa qayb wayn ka qaadatay in Jabuuti xoriyad ka hesho Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM