Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Shabeellaha Dhexe

Image

CADALE, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa diyaarad helicopter ah ku tagey Maanta deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo kasoo duulay Muqdisho oo shalay ku qaabiley wafdi uu hogaaminayay wasiiru dowlaha Imaaraatka Carabta Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan.

Xasan Sheekh ayaa Cadale kula leh kulamo Saraakiisha hogaaminaysa Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyadoo arinta ugu wayn uu kala hadlayo ay tahay inaan laga soo bixin deegaanadii horey loo xoreeyay oo hadda kooxda weeraro joogto ah ku hayso.

Xasan Sheekh oo la isku dayay in lagu dilo qarixii Ceel-Gaabta Talaadadii lasoo dhaafay ayaa shalay Muqdisho kusoo laabtay, sii uu ula kulmo wafdiga Imaaraatka, isagoo horey u booqday Aadan Yabaal iyo Moqokori, oo kamid ah jiidaha hore ee dagaalka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada, iyadoo diiradda saaraysa deegaanada ku dhaw Caasimadda, Muqdisho, waxayna saakay gudaha u gashay Sabiid iyo Caanoole, oo 40Km dhanka galbeed uga beegan magaaladda Muqdisho.

Kooxda waxay bishan weerartay deegaanno kale oo gobolka Shabeellaha Dhexe ku yaalla, si ay ugala wareegto Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxayna dishay Saraakiil dhowr ah iyo askar badan.

Weerar hoobiye ayay shalay Al-Shabaab ku qaadey Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xerada Xalane oo ay degan yihiin Ciidamada Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo Safaaradaha reer galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM