Xasan Sheekh oo Difaacay Heshiiska Turkiga lagu siiyay 90% Dhaqaalaha Shidaalka Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Turkiyad ee ku saabsan baaritaanka shidaalka iyo gaaska ee biyaha Soomaaliya, kaas oo caqabad weyn ku noqday bulshada kadib markii uu ka soo shaac baxay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in 90 boqolkiiba dakhliga laga helo shidaalka iyo gaaska uu aado Ankara.
Heshiiska oo lagu saxiixay Istanbul sanadkii hore, islamarkaana si weyn loogu faafiyay bisha hore, ayaa u oggolaanaya Muqdisho in ay dowladda Turkiyad ku wareejiso howlaha shidaalka, taasoo muujinaysa kororka saameynta Ankara ay ku leedahay dhaqaalaha Soomaaliya, oo ay ku jirto maamulidda dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo saldhigyada milatari ee Turkiyad ku leedahay Soomaaliya.
Faahfaahinta heshiiska ayaa muujinaysa in Turkiyad ay heli doonto ilaa 90 boqolkiiba dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro biyaha Soomaaliya. Soomaaliya-na waxay ku heli doontaa boqolkiiba shan ee wax-soo-saarka shidaalka iyo gaaska, taasoo noqon doonta lacag ama badeeco kale.
Sidoo kale, heshiiska ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixin doonto xogta farsamo ee ku saabsan khayraadka shidaalka ee dalka, iyadoo aan wax kharash ah laga qaadin hay’adda Turkiyad, isla markaana lagu heshiin doono heshiis qaybinta wax-soo-saarka.
Marka la eego heshiiska, shirkadda fulinaysa hawlaha baaritaanka ayaa xaq u yeelan doonta inay soo ceshato kharashyada la xiriira shidaalka iyo gaaska laga soo saaro, iyadoo ugu dambeyn laga qaadi doono ilaa 90 boqolkiiba shidaalka la soo saaro iyo gaaska la soo saaro sanad maalmeedka.
Heshiiska waxaa lagu saxiixay Istanbul 7-dii Maarso 2024, markii ay is-afgarad ku gaareen Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Tamarta ee Turkiyad, Alparslan Bayraktar. Shirkadda Shidaalka ee Turkiyad (TPAO) ayaa loo xil-saaray in ay fuliso baaritaanka iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sheegay khudbad muuqaal ah in heshiiska uu yahay mid faa’iido u leh labada dal, isagoo ka sheegay in tani ay tahay markii ugu horeysay ee Soomaaliya si habboon loo baaro kaydka shidaalka iyo gaaska ee dalka. "Tani waa fursad taariikhi ah oo Soomaaliya ugu horeysay in si dhab ah loo baaro kaydka shidaalka iyo gaaska. Ma la inkiri karo faa’iidada kasoo baxda marka horeba laga faa'iidaysto," ayuu yiri madaxweynaha.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay bilowga ganacsi weyn, iyadoo heshiisku uu hadda ku saabsanyahay kaliya saddex xabbo oo ka tirsan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah suurtagalka dhammaan 216 xabbo ee biyaha Soomaaliya ku yaal.
Heshiiska Istanbul ayaa kiciyay muran xooggan oo ka dhex-dhaqan galay Soomaaliya kadib markii warbixin ay soo saartay Nordic Monitor, oo ah warbaahin lagu yaqaan baadhista iyo soo bandhigidda dukumentiyada la sifeeyay ee ku saabsan siyaasadda dibadda iyo sirdoonka Turkiyad, ay daabacday warbixin ku saabsan heshiiskan bisha Abriil ee la soo dhaafay.
GAROWE ONLINE