Xasan Sheekh oo digniin kasoo saarey maalgalinta kooxaha aragagixisada

Image
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wuxuu shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada. 

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada. 

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed. 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM