Xasan Sheekh oo doorashadda qof iyo codka ka dhiganaya sabab uu ku dheereysana muddo xileedkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil katirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay ku jahwareersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo lagu eedeeyay inuu carqaladeynayo dadaallada dib u dhiska dowladnimada isaga oo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis lagu ahayn, macquulna ahayn xiligan.

Warbixin ay daabacday Washington Post ayaa sheegaysa in qorshaha Xasan Sheekh uu yahay xeelad loogu talagalay dib u dhigista doorashooyinka iyo in muddo xileedka lagu kordhisto. Maraykanka ayaa kamid ah dowladaha cadaadiska ku saaraya Madaxweynaha inuu shir lagalo mucaaradka, lagana heshiiyo arrimaha khilaaf ka taagan sida nidaamka doorashadda iyo dastuurkawax ka bedelkiisa.

Khilaafka siyaasadeed wuxuu carqaladeynayaa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo soo qaadey hadda weeraro culus oo deegaano ku qabsatay. 

Sida uu sheegay Hussein Sheekh Cali, lataliyaha amniga qaranka, Maraykanku waa saaxiib muhiim ah oo arrimaha amniga ah, waxaana ka bixitaankiisa Soomaaliya si weyn u saameyn doonta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Iyadoo Maraykanku doonayo inuu joojiyo maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Midowga Afrika ayaa bilaabay in Afrika u sheego inay isku tashato, maadaama uu dhamaadey waqtigii taageeradda militeri ee Washingon lagu tiirsanaan jiray.

Maraykanku horey ayuu u yareeyay taageerada uu siiyo Ciidanka Danab, iyadoo niyadda ciidanku hoos u dhacday. Taas ayaa suuragelisay in Al-Shabaab xooggeeda kordhiyo, gaar ahaan gobollada dhexe iyo koonfurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM