Xasan Sheekh oo guddoomay fariin uga timid William Ruto

Image
Image
Image
Image
Dhambaalka ayaa kusoo beegmaya maalmo kahor dhaarinta madaxweynaha la doortey ee Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, William Ruto. Villa Soomaaliya ma bixin fahfaahin ku saabsan dhambaalka.

Balse, fariinta ayaa imaanaysa xilli qorshuhu yahay in 13-ka September ay dhacdo dhaarinta iyo caleema-saarka Ruto kadib markii maxkamada sare ee dalkaas ay meelmarisay guushiisa.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa caleema-saarkan aawadeed wuxuu u baajiyey socdaal uu ku tagi lahaa Sacuudi Carabiya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Dhanka kale, Thomas ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

Dhinaciisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Thomas Kipkosgei ayuu u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM