​Xasan Sheekh oo Jowhar gaaray iyo caleemo saar dhacaya

Image

JOWHAR, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa goordhaweyd gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe halkaasoo la filayo inay ka qabsoonto caleemo saarka madaxda maamulkaas.

Wafdiga Xasan Sheekh, ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan maamulkaas, siyaasiyiin, Xildhibaan iyo madaxda katirsan dowladda dhexe ee Federaalka.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh, ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb galka caleemo saarka madaxda cusub ee maamulka Hir-Shabeelle.

Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan Mas'uuliyiin sare oo ka socda maamulada dalka yo Wakiillada Beesha Caalamka u fadhiga Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Beledweyne, ayaa sheegay in uu Bulshada reer Hiiraan kusoo qanciyay inay taageeraan maamulkiis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM