​Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Aqalka hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka billowday Magaalada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Doorashooyinkii Aqalka Sare oo magaalada Jowhar ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle shalay si guul ah ugu soo gabagaboobay.

Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey Madaxda, Xidhibaanada iyo shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle hanaanka dimuqraadiyadda leh ee uu Baarlamaanku u doortay xildhibaanada Aqalka sare u matali lahaa.

“ Waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo, Madaxweynaha , Madaxweyne xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibanaada iyo dhammaan shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo ku guuleysatay in ay doortaan Aqalka Sare maalinti shalay. Waa tallaabo dhiira-gelin leh in Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo dhowaan curtay inuu doortay xubnahii u matali lahaa Aqalka Sare,” Ayuu yiri Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey hambalyana u diray dowlad maamulka Galmudug oo maanta bilaabay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“ Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Baarlmaanka Galmudug iyo dhammaan shacabka Galmudug ,waxaan leeyahay tallaabo muhiim ah ayaad u qaadeen dhanka horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia.

Wuxuu u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey hanaanka ay u socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose dowlad Gobolleedyadda, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo horrey u billaabay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale dhambaal tahniyad ah u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida habsamida leh ee ay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka uga socdaan dalka Somalia islamarkaana u rajeeyey in inta ka harsan doorashooyinka in si guul ah Alle ugu soo idleeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM