Xasan Sheekh oo kormeeray taliska Ciidanka XDS xilli uu ballan qaaday difaaca midnimada Soomaaliya

Image
Madaxweynaha JFS ayaa kulan guud la qaatay hogaanka qeybaha kala duwan ee ciidamada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, isagoo halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Madaxweynaha JFS oo kulan guud uu la qaatay, taliyaha Xoogga Dalka, taliyaasha ciidammada Badda, Cirka, taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka,

Shirka guud ee Madaxweynaha uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa hogaannada iyo taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Ereteriya kadib markii uu dhiggiisa dalkaas kala hadlay arrimaha ku cusub gobolka oo ay ugu muhiimsan yihiin khilaafka ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo dublamaasiyadeed oo ay ku doonayso in taageero caalami ah ay ugu uruuriso mawqifka Soomaaliya, taasoo ay u muuqato in ay ku guulaysteen sida u arkaan xildheerayaasha u dhuundaloola siyaasadda gobolka.

Kormeerka madaxweynaha ee taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa yimid ka dib markii uu ballan qaaday in uu ka difaaci doono midnimada iyo qarannimada dalka faragelin kasta oo dibadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM