Xasan Sheekh oo ku adkaynaysa doorasho qof iyo cod xili dowladiisa hal sano u hartay

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in doorashooyinka aan tooska ahayn ee dalka ka socda ay si weyn u wiiqeen kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya loo qabto doorashooyin qof kasta codkiisa uu ka dhiiban karo si dadka Soomaaliyeed ay fursad dhab ah u helaan inay doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isticmaalka doorashooyinka aan tooska ahayn uu yahay mid aan la socon karin mustaqbalka, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan dib ugu noqon karin nidaamka 4.5. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in beesha caalamku aysan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaadda nidaam doorasho aan la saadaalin karin.

“Waxaan ku jirnay doorashooyin aan toos ahayn muddo 25 sano ah. Ma sii socon karno; waa wax aan suurto gal ahayn, waxaanan la aqbali karin. Dunidu ma aqbasho nidaam aan dimuqraadi ahayn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay inay hirgeliso doorashooyinka qof iyo cod, taasoo uu sheegay inay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo caddaaladda nidaamka doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in doorashooyinka la qaban doono bisha June 2025 ee doorashooyinka degaanka, gobolka iyo degmada, halka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha lagu qorsheeyay bisha September 2025.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah maamul goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubbaland iyo Puntland, iyo mucaaradka ayaa diiday qaabkan doorashada halka dhinaca ah, ee aan heshiiska lagu ahayn. Waxay madaxweynaha iyo dowladiisa ku eedeeyeen inay si hal dhinac ah u maamulayaan hanaanka doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM