Xasan Sheekh oo ku canaantay Saraakiisha Ciidanka qabashadii Al-Shabaab ee Aadan Yabaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidnimadii Sabtidii shalay kulan deg-deg ah isugu yeeray hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, si looga hadlo xaaladda amni ee ka sii dareysa ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khasaaraha dhawaan ciidamada dowladda kaga soo gaaray dagaallada ka dhacay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno muhiim ah oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay dib u qabsatay Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha kala hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo howlgalka milatari ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, isagoo muujiyay walaac weyn oo ku aaddan in kooxdu ay si fudud ugu suurtagashay inay mar kale qabsato saldhigyo muhiim ah.

Sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen, madaxweynuhu wuxuu faray taliska Ciidanka Xoogga Dalka in si deg-deg ah loo dejiyo qorsheyaal cusub oo lagu adkeynayo howlgallada milatari, lana xaqiijiyo in la baajiyo khataraha amni ee sii kordhaya, si looga hortago in Al-Shabaab ay sii ballaariso weerarada ay ka geysanayso gobollada bartamaha dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada ku aaddan dib-u-soo laabashada Al-Shabaab ee deegaanno laga saaray sannadkii hore, taasoo dhabar-jab ku ah dadaallada dowladda ee dib u xoreynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM