Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey 15 May Xasan Sheekh, ayaa xarunta Villa Somalia ku qaabilay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladda amniga gobolka, iyo isbeddellada caalamiga ah ee saameynta ku leh Geeska Afrika.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Ankara taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda dib-u-dhiska, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wadahadlay iskaashiga amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka, iyadoo Turkigu uu ka mid yahay saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya ee dhinacyada milatari iyo horumarineed.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh, iyadoo sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya inay ka soo horjeedaan qorshaha doorasho ay dowladda waddo, oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM