Xasan Sheekh oo la kulmay kooxdii kala shaqeysay ololaha

Image
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhowaan geli doono safar dhanka dibadda ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay kooxda kala shaqeysay ololihiisa doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya, sidda uu fahansan yahay Garowe Online.

Sida ay caddeyneyso xogta uu helay warsidaha GO, inta badan kooxdii ololaha Xasan Sheekh ee xalay xaadirtey madashan ayaa ah xubno firfircoon oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka.

Madaxweynaha ayaa u sheegay ka qeybgaleyaasha oo ay ku jireen siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtey dalka kana mid yihiin mudaneyaal ka tirsan labada gole "in ay abaal-gashteen ayna ka fishaan natiijo wanaagsan".

"Intii uu hadlaayay wuxuu soo hadal-qaaday in uu dhowaan u bixi doono safar dibadda ah. Hase ahaatee, wuxuu niyad-qaboojiyey ka qeybgaleyaasha in uu socdaalka kadib meelayn doono," ayuu yiri qof ka qeybgaley kulankaas.

Inta badan kooxdii ololaha kala qeybgashay Xasan Sheekh ayaa ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaga oo dhowraya in ay xilal ka qabtaan dowladda cusub.

Ra'iisul wasaaraha cusub, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la filayaa in uu soo magacaabi gole wasiiro halkaasoo qaar kamid ah kooxda ololaha Xasan Sheekh ay rajeynayaan in ay iska dhex-arkaan.

Hadalka ku saabsan safarka ayaa imaanaya iyadda oo maalmihii lasoo dhaafay la hadal-hayay in madaxweynuhu uu u socdaali doono Kenya iyo Eritrea. Nairobi wuxuu kusoo saxiixi doonaa heshiisyo, halka Asmara u tagayo arrinta askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM