Xasan Sheekh oo magaalada Rome kaga qeyb galeya Shirka Talyaaniga & Afrika

Image
Madaxweynaha ayaa khilaafka Soomaaliya & Itoobiya ku soo qaadi doono shirka.

Rome (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Shirka madasha Talyaaniga iyo Afrika.

Madaxweynaha ayaa la filaya in uu shirka ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saarayo muhiimadda xasilloonida gobolka iyo ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan Itoobiya ku dhiirratay.

Waxaa sidoo kale la filaya in magaalada Rome ay kulan ku yeeshaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu shirka socdo wuxuu sidoo kale kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin; Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Madaxweynaha dalka Eritrea, iyo Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM