Xasan Sheekh oo Mareykanka u diray codsi ku aadan askarta Eritrea

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Asmara ay "ujeedo wanaagsan" ka leedahay tababarka ciidamadan.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sababta ay ciidamada Soomaaliya markii hore looga soo celin waayay Eritrea ay tahay diidmo ka timid Madaxweyne Isaias Afwerki.

Sida laga soo xigtey Xasan, hogaamiyaha Eritrea ayaa cuksadey sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiray. Waxa uu sheegay in Eritrea ay “ujeedooyin wanaagsan” ka leedahay tababarka ciidamada Soomaaliya.

Maxamuud oo ka hadlay machad ku yaala Washington halkaasoo uu booqasho ku joogo ayaa tibaaxay in Eritrea aysan tababarin 5,000 oo askari oo Soomaali ah balse ay sidoo kale qalabeyneyso.

"Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka shaqeyneysa qaabkii ay dib ugu soo celin lahayd ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea," ayuu hadalkiisa raaciyey Xasan oo dhowaan booqasho ku tagay Asmara.

Dowladda Mareykanka ayuu ka codsadey in ay Soomaaliya ka taageerto soo celinta askarta. "Dhawaana dib ayay usoo laaban doonan," ayuu mar kale raaciyey isaga oo aan caddeyn kaalinta Ameerikaanka.

"Waxaa hubaa in ay gacan ka geysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan oo siyaasadiisa la dagaalanka Al-Sabaab ay ku saleysan tahay caqiido ahaan, dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan.

Mareykanka iyo Eritrea ayaanan lahayn cilaaqaad wanaagsan. Washington waxay kamid tahay dowladaha xayiraadaha dhaqaale iyo siyaasadeed saarey Asmara sababo ku aadan wax ay ku sheegeen "xadgudubyo bini'aadanimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM