Madaxweynaha dowlada Federaalka oo Muqdisho ka dhoofey

Image

29 Augusto,2015(GO)- Waxaa maanta magaalda Muqdisho ka dhoofey wafdu uu hogaminayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigan ayaa ku wajahan dalka Imaradka Carabta ayaa la sheegey in casumaad ka haystaan madaxda dalka Imraadka Carabta. 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka , xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxweynaha Da'ud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay hogaamiyaha Dalka Imaaraadka Carabta.

“Madaxweyaha Jamhuuriyadda waxa uu ku wajahanyahay, waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay hogaamiyaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Zaid Al-nahyaan oo aad ogtihiin in xiriir wanaagsan oo qoto dheer ay ka wada dhexeeyaan labada dal, Imaaraadka waxa uu ka qeyb qaataa dib u dhiska Soomaaliya” Ayuu yiri Afhayeenka.

Safarka Madaxweynaha DFS ayaa ku soo beegmayo xilli uu jiro mooshin ka dhan ah oo loo gudbiyay guddoonka barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM