Xasan Sheekh oo kali ku noqdey taageerada qorshe uu wato Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa noqdey siyaasiga kaliya ee ka tirsan mucaaradka ee taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee metelaada gobolka Banaadir.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa soo dhaweeyay go'aanka la isku khilaafay ee Golaha Shacabka kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir oo ah 13 xubnood oo Aqalka Sarre uu ku yeesho.

Xeerkaas waa mid kamid ah afar kale ayna ku jiraan Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi oo Aqalka Hoose ansixiyey ayaa xudun u ah khilaafka doorashada 2020-21.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la fahansan yahay in xeerka metelaada gobolka Banaadir uu la leeyahay qorshe ah in uu isaga horkeeno bulshadda, iskuna ekeysiiyo in uu yahay qofka kaliya ee ogol metelaadaas.

Hase ahaatee, waxaa si xoogan uga yimid hor-yimid siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo ku sifeeyay talaabo baalmarsan dastuurka laguna baadigoobayo muddo kororsi ay sameystaan madaxda hadda arimineysa.

Daahir Maxamuud Geelle, murashax madaxweyne si lamid ah wasiirkii hore ee warfaafinta iyo danjirihii Soomaaliya ee Sacuudiga oo u waramay VOA-da, ayaa caddeeyay aragtidiisa qadiyadan iyo sababta uu u diidey.

"[Hadalka] ku jira waa qeybo dastuuri ah ayaa ka maqan, waxaa la rabaa marka baarlamaanka wax meelmariyo bulshadda Soomaaliyeed oo dhan in ay isla qaadato, dastuurka qodob ku jira in la furaa la rabaa, marka dastuurka iyo dowladnimada hala waafujiyo; tiradda xataa intaan waa laga badin karaa hadii tashi ay ku timaado, laakiin dowladdu waxay u muuqatay mid barnaamijyo kala dhax-gelineyso doorashooyinka iyo waxyaabaha la halmaala; Muqdisho oo metelaad hesho waa wax aad u wanaagsan, hanaanka dastuurka in la marsiyo ayay u baahan tahay iyo metelaada in ay intaas ka badan tahay ayaa ila haboon, dadka Soomaaliyeed oo wax gal ah waa in laga soo qanciyo oo loo muujin wax lasoo dhacsaday in ay tahay, Soomaaliya is-qancis baa wax lagu soo wadi jiray, soo dhac-sasho wax laguma wadi jirin," ayuu yiri.

Qodobka 72aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay yihiin 54 kuna saleysan yihiin 18-kii gobol ee dowladii dhexe, taas oo la macno hadii la kordhinayo ay waajib tahay in dastuurka la furo.

Xubnihii u ololeynayey xeerka metelaada gobolka Banaadir oo Villa Soomaaliya gedaal ka riixeysay ayaa diidey in la furo dastuurka qabyadda ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo xalay ka hadlay xaflad lagu xusayo 1-da Luulyo kana dhacday Muqdisho, ayaa diidmadiisa ku saleeyay in la helo maqaam kahor metelaad.

"Muqdisho waxay u baahan tahay Matalaad iyo Maqaam isla socda, Muqdisho uma baahna Senator Fake ah yaa soo magacaabaya? Gole deegaan ma lahan, yaa soo magacaabaya? Madaxtooyada, yaa la soo magacaabaa? dadkaan taqaaneen, waa ciyaar, siyaasadda haddii game-ka lagugu ciyaaro waa ku dhamaatay," ayuu xusay, isagoo gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ku eedeeyay in ay hortaagan yihiin mooshin ay saxiixeen in ka badan 120 Xildhibaan oo ku saabsan maqaamka magaala madaxda dalka Muqdisho.

Siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaanan wali ka hadlin qadiyaddan oo Xasan Sheekh uu galay dabinka Villa Soomaaliya.

Dowlad goboleedyadda qaar oo codsaday in la hakiyo ka doodista afar xeer doorasho oo kan metelaada gobolka Banaadir ayaa ka baaqsanaya shirkii madaxda maamulada iyo dowladda federaalka oo arrintaan looga heshiin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM