Xasan Sheekh oo "ogolaadey" in ciidanka Itoobiya sii joogaan Soomaaliya

Image
Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa la sheegay inuu arrinkan ku ogolaadey wadahadaladii Ankara.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay wadahadaladii kusoo dhamaadey Turkiga waxay ku xaqiijisay in ciidamadda Itoobiya ay sii joogayaan dalka, sidda uu wariyay wargeyska afka dheer ee Middle East Eye.

Illaa haatan, lama ogga waxa uu maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku badashay go’aankan. Hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay inuu qeyb ka yahay arrimo kale oo wali aan kor lagu sheegin oo shirkaas lagu gaarey.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in qaddiyadda ku saabsan in Itoobiya ay si buuxda u aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Soomaaliya uu kamid ahaa arrimaha ugu waaweyn ee kulakaas hareeyay.

Madaxwayne Recep Tayib Erdogan ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxa uu adkeeyay Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed “in aysan ka bixi doonin qolka wadaxaajoodka illaa ay ka heshiinayaan”.

“Kadib wadahadalo socdey todoba saacadood oo aanan loo kala kicin, waxaa soo baxay war-murtiyeedkii loogu magacdaray Baaqa Ankara,” ayuu joornaalka intaas ku daray. Qoraalka waxaa lagu gaarey heshiis la fulinayo Febraayo 2025.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in labada dal ixtiraamaan madax-banaanidooda, in ay galaan wadahadalo farsamo oo looga tashanayo arrimaha isticmaalka dekadaha iyo in lasoo afmeero khilaafaadka diblumaasiyadeed.

Dhanka dowladda federaalka, tan iyo markii heshiiskan la gaarey waxay si weyn isugu dayeen in ay dadka u sheegaan inuu meesha ka baxay is-afgaradkii buuqa dhaliyay hase ahaatee dhanka Itoobiya wali kama aysan hadlin.

Baabi’inta is-afgaradkaas ayaa qiimo weyn ugu kici karta Dowladda Soomaaliya. Hase ahaatee, haddii ay Itoobiya arrinkaas ka cagajiido waxay waji-gabax iyo dharbaaxo kale ku noqon doontaa maamulka Xasan Sheekh.

Sidoo kale, arrinka bixitaanka ciidamadda Itoobiya ayaa kamid ah meelaha doodaha ugu waaweyn ay kasoo laaban doonan maadaama horey xukuumadda Muqdisho ugu adkeysatay in ay baxayaan Decemebr 2024 haddii heshiiska ka laaban.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa si weyn isha loogu hayn doonaa sidda ay xaalada isku badasho bilooyinka soo aadan si gaar ah Janaayo iyo Febraayo 2025 maadaama uu sanad jirsano is-afgaradkaas khalkhalka geliyay xasiloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM