Xasan Sheekh oo qaylo-dhaan u diray qurba-joogta Soomaaliyeed

Image
Fariintan ayaa ku saabsan xaalada abaareed ee dalka ku wajahayo iskuna badali karta macluul.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tartansiiyay guud ahaan Soomaalida in ay u gurmadaan dadka abaaruhu saameeyeen ee gooska Afrika taas oo qayb ahaan isku badalaysa macluul daran sida ay sheegtay Qaramada midoobay.

Maxamuud ayaa si gaar ah Qurba-joogta ugu baaqay in ay xoojiyaan kaalmada ay iska dhex uruurinayaan si loogu soo beego waqtiga ku habboon oo ay u baahan yihiin qoysaska ku xoolo iyo beera beelay abaarta ee xeryaha Barakacayaasha ku nool.

“Sadaqadu weynaan & badnaan malaha balse bixin ayay leedahay, ha yaraato ama ha badnaato, dhibcaha roobka oo kulma waxa ay noqdaan Roob ma hiigaan ah oo daadad ayay abuuraan, Nus dollar, halka dollar ama halka yuuro waa dhibicdii oo kale, Daad raashin & biyaha oo la dhaamiyo ayay noqoneysaa” Xasan ayaa ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Madaxweynaha oo dib loo doortay 15 May ayaa soo jeediyay in qurba-joogta ay kordhiyaan dhaqaalaha ay ugu deeqayaan Qoysaska duruufaha abaarka ka dhashay la nool ee ku dhibaateysan Gobollada Dalka si ay u helaan caawinaad Soomaalida dhexdooda ah.

“Walalayaal waad bixiseen allaha idiin barakayo ee kordhiya, bixiya idinma lihi ee kordhiya ayaan idin leeyahay, qofkasta oo Soomaali ah oo dhibaateysan meel weliba oo joogo oo aad taageerteen waa walaal Muslim ah oo aad kaalmeysay, waad mahadsan tihiin oo waan idin bogaadinayaa, waxa aan idinka rajeynayaa in aad nala garab gashaan oo aad nagu garab istaagtaan arrintaan oo ah wax dhammaanaya oo ma aha wax joogta ah” ayuu hoosta ka xariiqay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in Dowladdiisa xoogga ay saareyso wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira, waxa uu bogaadiyay Dadka is xilqaamay ee dedaalka ku bixinaya sidii gurmad loogu heli lahaa Malaayiinta ruux ee abaartu saameysay.

UNICEF waxa ay ku qiyaastay in 386,000 oo carruur ah ay halis ugu jiraan in ay dhintaan hadii aan si degdeg ah looga daweyn nafaqo-xumo aad u daran, kuwaas oo durba kor u dhaafay 340,000 oo carruur ah oo baahan daryeel deg deg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM