Xasan Sheekh oo shaaciyay Goobaha la dejin doono Ciidamada Masar, Gedo maku jirtaa?

Image

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Masar la geyn doono gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Mahadaay, oo ay bedeli doonaan Ciidamada Burundi ee halkaasi ka howlgalayay mudo 15 sano ah.

Wuxuu Madaxweynaha si xooggan u diiday warar horay loogu faafiyay oo sheegaya in ciidamada Masar loo qorsheeyay in ay tagaan gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah. Dowladda Soomaaliya ayaa saaran culeys badan oo ku saabsan sidii ay u kala ilaalin lahayd labada ciidan.

Isaga oo ka hadlay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, madaxweynuhu wuxuu sheegay in khilaafkaasi uusan saameyn ku yeelan doonin gudaha Soomaaliya. “Ciidamada Masar looma diri doono xuduudka Itoobiya, mana jiraan wax qorshe ah oo la xiriira in halkaas qalalaase laga abuuro,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan aqbali doonin in dalalka deriska ah ay gudaha dalka ku dagaalamaan, isagoo intaa ku daray in ciidamada Masar ay dalka u imaanayaan si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xasiloonida.

Dhinaca kale, dhawaan safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay joogitaanka ciidamada Masar, isagoo ku tilmaamay in aysan lahayn waayo-aragnimo nabad ilaalin iyo in imaanshahoodu aanu wax faa’iido ah u yeelan doonin amniga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu yahay mid lagu taageerayo dadaallada amniga iyo xasiloonida dalka, iyadoo aan loo adeegsan dano siyaasadeed oo khilaaf abuura.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM