Xasan Sheekh oo shaaciyay in Turkiga uu Soomaaliya ka dhisayo saldhig dayax-gacmeed

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in saldhigan uu noqon doono mid laga tijaabiyo gantaalada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka sameynaya xarun lagu tijaabiyo gantaalada, sida uu sheegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Talaabadan waxay sare u qaadeysaa barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee Ankara.

"Mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona shaqo abuur iyo dakhli soo gala qaranka," sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Meesha Soomaaliya ay ku taallo oo ah cirifka bari ee dhul weynaha Afrika ayaa ku habboon in loo toogto dhinaca Badweynta Hindiya iyada oo meesha ka saareysa in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay iyo waddamada kale, sidda wargeyska Bloomberg uu sheegtay bishii Sebtembar.

Xarunta laga dhisayo Soomaaliya waxay horumarin doontaa rajada Turkiga ee ah inuu ku biiro tartanka hawada sare ee caado ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta laga dhisayo mashruuca.

Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo dalka Afrikaanka ah uu isku dayayo inuu dib u dhis ku sameeyo sanado badan oo dagaal beeleed ah.

"Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in ay martigeliso tartanka hawada sare ee dayax gacmeedka Turkiga ay xitaa aad uga muhiimsan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruucu dhalin doono," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM