Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheynaya inuu magaalada Muqdisho ku qabto kulan gaar ah oo ay ka soo qeyb galayaan madaxda dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo HirShabeelle — kuwaas oo kala ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulankan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha rasmiga ah ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha la xiriira habka doorashooyinka 2026 iyo geedi-socodka kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado culus oo ka hor istaagaya hannaanka doorasho ee dalka, iyadoo dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland aysan ka qeyb-galeyn shirarka qorshaysan ee doorashooyinka. Arrintan ayaa abuuraysa xaalad adag oo siyaasadeed, taasoo mugdi gelinaysa mustaqbalka doorashooyinka iyo guud ahaan xasiloonida dalka.

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed, iyadoo labada maamul ay codsadaan in la ixtiraamo heshiisyadii hore iyo nidaamka doorasho ee ku saleysan dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee ka qeyb galaysa shirka ayaa la filayaa inay doortaan wadatashi ku saabsan sidii loo heli lahaa xal waara oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, taasoo muhiim u ah horumarinta nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM