Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu qiimeynayo xaaladda amniga kahor inta uusan shaacin inuu mar 3aad isku soo sharaxayo xilka Madaxweynaha iyo inkale xili khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay isbedelka uu ku sameeyay qodobo kamid ah dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu ku sheegay wareysi uu bixiyay in hadda ka shaqeynayo amniga iyo nidaamka doorashadda qof iyo cod, islamarkaana go'aan qaadan doono hadii qorshihiisa u hirgelo, iyadoo lagu xisaamtamayo fulinta balan-qaadkii doorashadda ku galay 2022.

Amniga dalka ma ahan sida la ogyahay mid suurta-gal ka dhigaya inay guud ahaan gobollada doorashooyin ka dhacaan oo dadweynaha codkooda dhiibtaan, waxaana u badan tahay in Teendhada dib loogu laaban doono, marka ay riyada Xasan Sheekh run noqon wayso.

Doorashadda waxaa la filayaa inay May 2026 dhacdo, iyadoo mudo-korarsi dhici karo, maadaama looga bartay inta badan Madaxda dalka inay xilka wareejiyaan marka waqtooda dhaco. Laakiin, mucaaradka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay mudo-korarsi sharci-darro ah.

Marka la eego xadiga khilaafka siyaasadda iyo kala qeybsanaanta ka jirta dalka oo ay dheertahay khatarta Al-Shabaab, dowladda Federaalka oo sanad u haray waxaysan hirgelin karin doorasho qof iyo cod ah. Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM