Xasan Sheekh oo soo dhoweeyey dhismaha maamulka K. Galbeed

Image

November 19, 2014 (GO) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashadii labo maalmood kahor degmada Baydhabo ka dhacday ee madaxweynaha loogu doortay Shiriif Xasan Shiikh Aadan.

Xasan Shiikh oo isaga iyo wafi uu hogaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark ayaa war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiskiisa hambalyo ugu diray shacabka iyo madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay oo Talaado ahayd sidan oo kale waa dhismaha maamulka Baydhabo usoo dhoweeyey xubnaha Golaha Wasiirrada ee taageersan Madaxweynaha.

Hadalka Xasan Sheekh wuxuu kusoo aadayaa labo todobaad kadib markii Dowladda Federaalku soo saartay amar si kumeel gaar ah loogu joojinayey shirka Baydhabo. War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo nuqul kamid ahi soo gaarey Garowe Online wuxuu u qornaa sidan:


Copenhagen 19 November 2014 – Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Gaæbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden.

Madaweynaha JFS wuxuu kale oo uu ku talinayaa in lasaxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuu Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan iyaga oo ilaalinaaya xaquuqda dhammaan dadka degaankaas ka soo jeeda iyo in laga wada hadlo habka ka wadaqeyb galka iyo in ay sii wadaan isla tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.

DHAMAAD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM