Xasan Sheekh oo taageero u goobaya damaciisa Dastuurka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka Sarre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatashi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM