Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo
NEW YORK — Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaadey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Qaramada Midoobay ka sheegay in dalku u socdo dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan doorasho qof iyo cod ah, iyadoo dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashada.
Xasan Sheekh oo shalay khudbad ka jeediyay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dib-u-habeynta dastuurka ay horseed u tahay dhismaha nidaam xisbiyo badan, hay’ado lala xisaabtami karo iyo hannaan ay shacabka si toos ah ugu doortaan hoggaamiyeyaashooda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin, halkii ay ka dhalan lahaayeen rabshado. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeddadu tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku doortaan hoggaamiyeyaasha dalka.
Hadallada Xasan Sheekh ayaa yimid xilli uu jiro muran xooggan oo ku saabsan muddo-xileedkiisa. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ayaa ku doodaya in muddo-xileedkiisa uu dhammaaday 15-ka May 2026, isla markaana uusan jirin saldhig sharci oo uu xilka ku sii joogo.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in wax-ka-beddellada dastuuriga ah ee la ansixiyay ay dejinayaan hannaan cusub oo muddo-xileedka hay’adaha dowladda u oggolaanaya inuu sii socdo ilaa 2027. Arrintan ayaa noqotay mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay ka gudubto muddo dheer oo aan dalka ka dhicin doorasho qaran oo qof iyo cod ah. Wuxuu sheegay in dib-u-habeynta dastuurka lagu dhisayo saldhig loogu gogol xaaro doorashooyin guud, nidaam xisbiyo badan iyo hay’ado dowladeed oo lala xisaabtami karo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay hiigsanayso nidaam ay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharci iyo doorashooyin, isagoo ku tilmaamay rabshadaha inay yihiin waddo aan xal waara lagu gaari karin.
Khilaafka muddo-xileedka iyo hannaanka doorashada ayaa weli ah arrimaha ugu waaweyn ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin waqtiga doorashada, fasiraadda dastuurka iyo habka loo wajahayo kala-guurka siyaasadeed.
GAROWE ONLINE