Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doomin Siyaasadeed Ka Hor Doorashada 2026

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa wajahaya go’doomin siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa iyadoo hal sano ka harsan yahay doorashada dalka. Waxaa jira kala qaybsanaan ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taasoo cabsi gelinaysa xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis lagu ahayn qabto, iyadoo miisaska go'aanada lagu gaarey ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland. Dowlad-goboleedyadani waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu ku socdo qorshe ah inuu awoodda gacantiisa kusoo aruuriyo, taasoo khatar gelinaysa nidaamka federaalka.

Sidoo kale, isbeddellada dastuuriga ah ee Madaxweynaha uu sameeyay, gaar ahaan ku saabsan kordhinta awoodaha madaxtinimada, ayaa keentay in mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ay si kulul uga soo horjeestaan, iyaga oo ku tilmaamay kuwo halis ku ah dimuqraadiyadda iyo wadajirka dalka.

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo, ayaa sidoo kale wajahaya caqabado amni oo ay sababaan weerarrada kooxda Al-Shabaab, taasoo ka dhigeysa in xaaladda siyaasadeed ay noqoto mid adag oo buuq badan leh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay shir 15-ka bishan, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo midnimo lagu wajahayo caqabadaha amni iyo horumarineed ee dalka, hase yeeshee xiisadaha siyaasadeed ayaa sii socda, taasoo keentay in taageeradda Madaxweynaha ay yaraato, isla markaana uu galo go’doon siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa qaadacay Shirka 15-kan la filayo inuu Madaxweynaha ka furo Villa Soomaaliya, iyagoo sheegay in shirka uusan ahayn mid looga dan-leeyahay heshiis in looga gaaro arrimaha khilaafka ka taagan oo doorashadda iyo dastuurka ugu horeeyaan.

Tani ayaa ka dhigan in shirka fashilmay, kahor inta uusan furmin, waxaana adkaan doonta kulan dambe inuu Madaxweynaha isagu yeero, hadii aysan Villa Somalia sameynin wax tanaasul ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM