Xasan Sheekh: xukuumad la isku shaandheynayaa ma jirto

Image

June 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey war maalmihii u dambeeyey laysla dhex marayey oo sheegayey in isku-shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirrada  Dowladda Federaalka islamarkaana la kala diri doono baarlammaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay shir-jaraa'id ku qabtey aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad midna lahayn.

"isku-shaandheyni ma jirto, laakiin wasiirkii shaqadiisa qabsan waaya waa la dirayaa, balse xukuumad la kala dirayaa ma jirto" ayuu yiri.

Waxaa xusid mudan in muddadii saddexda sano ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayey Dowladda Federaalka Soomaaliya  la kala direy saddex xukuumadood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM