Xasan Shiekh oo ka hadlay cabashada Jaamacada Kismaayo

Image

July 27,2015 (GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federalka Somalia ay ka jawaabayso cabashada kasoo yeertay maamulka Jaamacada magaalada Kismaayo oo ka cabanaayay ciidamada Amisom oo degan xaruntaas.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Somalia sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xalinayso cabashadaasi si xarunta Jaamacada Kismaayo shaqadeeda dib loogu bilaabo.

Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Xikam oo ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka Jaamacada Kismaayo ayaa maalmo ka hor u sheegay warbaahinta dhibaatada ay ku qabaan ciidanka Amisom ee degan xarunta Jaamacada.

Xeerarka caalamiga ee ciidanka ayaan ku jirin marnaba in ciidan hubaysan ay degaan xarumaha rayidka, iyadoo sanadkii 2012-ka ilaa hada ciidanka Kenya fariisin ciidan ay u tahay dhismaha xarunta Jaamacada magaalada Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM