Xasan Shiikh: colaadda Deefow waa in si dhaqso ah lagu joojiyaa

Image

October 24, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadda u dhexeysa beelaha ee mudooyinkii u dambeeyey ka aloosnayd deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Isaga oo la hadlayey qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradaka gobolka Hiiraan kadib booqasho uu shalay ku gaaray magaalada Beledweyn, Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsaha badan colaadaas looso afjaro.

" arintaan bar madow oo Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ku taalla weeye...colaadda dhibaato maahee wax wanaag ahi kama dhasho waana in sida ugu dhaqsaha badan loosoo afjaro" Madaxweynaha ayaa yiri.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in mas'uuliyadda ugu weyni marka dowladda laga yimaado arintaas ka saaran tahay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, maadaama iyaga looga fadhiyo khilaafka jira inay si dhaqso ah xal uga gaaraan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa shalay booqday degmooyinka Ceelbuur iyo Beledweyne ee ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud, wuxuuna isla xalay dib ugu soo laabtay magaaada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in booqashada Xasan Shiikh ee degmada Beledweyne tahay tii saddexaad ee uu magaaladaas ku tago laga soo bilaabo markii uu xafiiska la wareegey September 16, 2012.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM