Xasan Shiikh: fursad labaad ayaan siinay xubnaha Al-shabab

Image

October 27, 2014 (GO) - Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladu kordhisay waqtigii horay loogu qabtay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee kooxdaas kasoo baxa in cafis loo fidin doono.

Isagoo maanta ka hadlayey munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Muqdisho oo lagu taageerayey guulaha ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM todobaadyadii u dambeeyey gaareen, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dowladdu lixdan maalmood ku kordhisay waqtidii cafiska.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dowladda uu hogaamiyo ay ka go'an tahay sidii ciidamada qalabka sidaa daryeel iyo xuquuq fiican u heli lahaayeen, isagoo ballan qaaday in dhamaan baahiyaha ciidanka wixii la awoodi karo aan waxba laga hagaran doonin.

Hawlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa mudadii uu socdey ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay la wareegaan deegaano badan oo horay kooxda Al-shabab uga talin jirtey.

Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay isaga iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM