Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo dagay Hotel ku dhow Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya | Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shiikh  Shariif ayaa habeenkii xalay waxay dageen Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa xusaya in labada Madaxweyne ay Hotelka ka abaabulayaan bannaan baxa Jimcaha 19 Feb.2021 ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hotelka Nasahablood 2 ayaa waxaa uu  ku dhow yahay Taalada Daljirka Dahsoon halkaas oo loogu balansan yahay in musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo tageerayaashooda ku diidaan qorshe Madaxweynaha xilka uu ka dhamaadey "Farmaajo" ku sii joogo Villa Somalia isagoo aan qaban wax doorasho ah.

Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne ee hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa. Hotelka Naasahablood 2 waxaa ku dhow Bar koontarool oo Ciidanka Madaxtooyada ku leeyihiin agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Qabashada mudahraadkaan ayaa ku soo beegantey qoraal xalay ka soo baxay Madaxweynaha xilku ka dhamaadey in 18-19 Feb. shir ay isugu imaanyaan madaxda Maamulada kaa soo ugu dambeyntii la ogolaadey inuu ka dhaco Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM