Xasan Shiikh: Jubbland KMG waa ay ka gudubtay
Sept 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dalbaday maamulka Jubbaland in waan waan iyo wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka ka jira dhismaha maamulka.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in marka dowladda la dhisayo ay imaanayaan tabasho, wuxuuna ku booriyey qaybaha kala duwan ee maamulka iyo bulshada Jubbaland in si hoose loo dhammeeyo khilaafaadka taagan
Madaxwayne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay ka baxday kumeel gaar haatana tahay xukuumad dhamaystiran, isla markaana sheegay inay soo dhawaynayaa shirka heshiisiinta beelaha Somalia inay Jubbland qabato.
Mudane Xasan Shiikh ayaa ku celceliyey in Jubbaland Somali oo dhan ka dhexeyso tasoo khasabtey in arrimiheeda laga hadlo.
GAROWEONLINE