Xasan Shiikh oo diidey xal ka gaarista xaaladda cakiran ee Soomaaliya; mucaaradka: Maxaa la gudboon?

Image

MOGADISHU — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diidey in la gaaro xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo ismari-waaga ka taagan nidaamka doorashada dalka, kaddib kulan maalintii shalay uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku soo dhamaaday is-fahanwaa.

Kulanka, oo diiradda lagu saaray muranka ka dhashay isbeddelka lagu sameeyay Cutubka 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya — isbeddel oo maamulada Soomaaliya iyo mucaaradka intiisa badan ku tilmaameen sharci daro — ayaa la sheegay inuu kusoo afjarmay markii madaxweynaha uu si cad uga horyimid talooyinka iyo doodaha miiska la keenay.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay in aan wax ka baddal lagu sameyn hanaanka doorasho ee hadda socda, oo ay ku jiraan habraacyada iyo guddiyada doorashada labada heer ee dalka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu golayaasha dowladda ka codsado, haddii ay suuragal noqoto, in madaxweynahu ka yimaado Barlamanka halka aqalka wakiiladu shacabku soo dooran doonaan.

Is-mari-waagii ka dhashay kulankaas ayaa sababay in madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka ay goobta ku kala kacaan iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Dhinaca kale, habeenimadii xalay ayaa mucaaradku yeesheen kulan gaar ah, waxaana lagu go’aamiyey in guddi saddex xubnood ah loo xilsaaro diyaarinta warsaxaafadeed rasmi ah oo ka tarjumaya mowqifkooda ku aaddan burburkii shirka iyo talooyinka ay u arkaan inay muhiim u yihiin mustaqbalka siyaasadda dalka.

Burburka kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay wajahayso xaalado siyaasadeed iyo amni oo cakiran, kuwaas oo walaac ku abuuray daneeyayaasha arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM