Xasan Shiikh: hala ilaaliyo madax-banaanida Soomaaliya

Image

November 3, 2014 (GO)-Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Isniin ah inay muhiim tahay xaqdhowrida madaxbanaanida Soomaaliya, ka dib war saxaafadeedyo xalay kasoo baxay wakiiladda QM iyo EU ee Somalia.

Waxa uu sheegay Xasan Shiikh Maxamuud inay ka go'an tahay sidii hiigsiga cusub ee 2016 loo gaari lahaa inkastoo qoraalka xafiiskiisa kasoo baxay lagu sheegay inuu waqtigu yar yahay hase yeeshee lagu dadaali doono dhameynta dastuurka,iyo qabashadda doorashadda.

Xasan Shiikh ayaa sheegay inay aad ugu weyn tahay in Somaliya loo daayo is-badalkeeda iyo howlaha dalka ka socda, sida heshiiskii lagu gaaray Barnaamijka New Deal ee Brussels ee September 2013.

''waxaa nagu weyn in Soomaaliya loo daayo in ay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii ay Soomaaliya aqbalaysay in ay qayb ka ahaato heshiiska Hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay in uu ku saleysan yahay mabaaddii’da Iskaashiga ee ku cad Hindisaha Soomaaliya, kaas oo ay markhaati ka ahaayeen ayna ansixiyeen ka qeyb galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee ka wada qeyb galay Shirkii Brussels ee September 2013. Mabaaddii’da iskaashigu waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Soomaalidu hagayso''

Madaxwaynaha DF ayaa ku baaqay docda kale in la xaqdhowra heshiiskaasi oo dalka loo daayo madaxdiisa inay go'aamo gaari karaan''waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto''.

''Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya''.

Qoraalka madaxwaynaha Somaliya uu soo saaray maanta ayaa wuxuu imaanayaa xili caalamku uu walaac xoogan ka muujiyay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda Federaalka Somalia, kaasoo saameyn ku yeeshay howlihii socday.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM