Xassan Sheekh oo Diinsoor kulamo ku soo qaatey

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwa AMISOM. waxgaradka iyo bulshada ku nool degmadaasi.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamey qaybaha uu la kulmay inay soo celin karaan rajada dadka ku nool Diinsoor ee gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan degmada Diinsoor ka saarey ururka Al-Shabaab oo muddo Siddeed sano ah gacanta ku hayay, waana degmadii ugu dambeeysay ee ka tirsan gobolka Baay oo laga saaro Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM