Xayir Maareeye "Cali dheere maanta haduu yimaado waa cafis" [Dhagayso]

Image

08 September, 2015(GO)-Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay cafinayso Sheekh Cali Dheere  Afhayeenka guud ee ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye".

Maareeye oo hadalka ka sheegay xaflad uu kaga qayb galay Muqdisho ayaa tilmaamay shaqsi walba oo la qalday inay dowladdu soo dhaweyn doonto dibna loo dhaqan celin doono isagoon wax dhibaato ah loo geysan.

"Dadka nabadiidka ah iyaga oo dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayay tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere haddii uu maanta yimaado waa cafis, Somali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho? waayo waa Soomaali la khalday , inaan dhaqan celinno meel gayno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko, baan diyaar u nahay” Ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka warfaafinta Somalia Xayir Maareeye ayaa shacabka Somaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystan sugidda amniga dalka iyo horumarkiisa, isla markaana la shaqeyaan hay'adaha u xilsaaran.

Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa dowladda Somalia isku soo dhibaay, waxaana madaxda DFS sheegeen in cafis loo fidin doono cid kasta oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee isku soo dhiiba dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM