Corona: Xayiraad la saarey saxafiyiinta xaadira shirka jaraa'id ee DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wariyeyaasha xaadira shirka jaraa'id ee dowladda Soomaaliya kaga warbixiso xaaladaha Coronavirus ayaa laga mamnuucay in ay su'aallo waydiiyaan madaxda, sida uu ogaadey Garowe Online.

Illo wareedyo ay kamid yihiin saxafiyiin warbaahino ku metesha kulan saxaafadeedkaas ayaa si hoose ugu sheegay warsidaha GO in aan loo sheegin sababta dhabta ah ee keentay xayiraadaas lagu soo rogay.

"Kaliya waxay rabaan bey noo sheegaan, waana kasoo tagnaa. Fursadii aan bulshadda kaga haqab-tiri lahayn arrimaha ay ku jahwareersan yihiin ee cudurka waa nagala soo xiray," ayuu yiri mid kamida saxafiyiinta.

Qaar kamid ah wariyeyaasha Muqdisho ayaa joojiyey in ay ka qeybgalaan shirka jaraa'id ee dowladda kadib markii uu soo baxay go'aankaas.

"Maadaama aan heli karno muuqaalka, kaliyana nooga baahan in aan coddeyno, ma jirto sabab aan u tagno shirka jaraa'id oo waqtiga isaga lumino marba hadii afka nagala xiray," ayuu tiri saxafiyad joojisay ka qeybgalka shirka.

Shirka jaraa'id ee dowladda Soomaaliya kaga warbixiso xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka ee lasoo dhaafay ayaa dhaca galab walba shanta.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha oo la wareegay dhamaan howlaha ku saabsan la tacaalida cudurka ayaa lagu eedeeyay faafreebida warbaahinta xorta ah.

Hay'adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, Human Rights Watch, oo warbixin soo saartay shalay, ayaa sheegtay in madaxda Dowladda ay kordhiyeen cagajugleynta iyo handadaada wariyeyaasha madaxa-banaan.

Warbixinta HRW ayaa timid xilli maanta oo Axad ah taariikhduna tahay 3-da May, 2020 ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Warbaahinta, taas oo laga xuso guud ahaan dunida dacaladeeda.

Iyaddoo Soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu halista badan ee saxafi ka howlgalo, tan iyo markii ay timid dowladda Farmaajo waxaa sarre u kacday xanibaadaha, cadaadiska, cabsi-gelinta iyo laaluush siinta war-fidiyeenada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM