Xayiraad lagu soo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya oo laga noqdey

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa ka noqotay xayiraad ay kusoo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya kuwaasoo kala ah; United Arab Emirates, Saudi Arabia, Qatar, Jordan, Kuwait, Bahrain, Afghanistan, iyo Iraq.

Xayiradaas oo ahayd in wadamadan aanan loo dhoofin shaqaalaha reer Uganda ayaa lasoo rogay kadib markii uu dilaacay safmarka Covid-19.

Frank Tumwebaze, wasiirka arrimaha Bulshadda, Jinsiga, iyo Shaqaalaha Uganda oo Talaadadii ku dhawaaqay go'aankaas, ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiri doonan habraacyo ay soo rogi doonan maalmaha nagu soo fool leh.

"Tani waanu ku wargelinay dhamaan shirkadaha shatiga u haysta in ay dibada u dhoofiyaan shqaalaha," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, howlwadeenada waxaa waajib ah in ay maraan tijaabo caafimaad oo Covid-19 ah kahor inta aysan dhoofin.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii dowladda Uganda ay xayiradaan soo rogtay si ah uga hortagto faafitaanka Coronavirus.

Inkasta ay caqabad ku noqdeen muwaadiniinta gudaha dalka wax ku baratay, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay ajaaniibta ka qabtaan shaqooyinka kala duwan tusaale ahaan dhismaha guriyaha iyo ganacsiyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM