Xayiraad lagu soo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya oo laga noqdey

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa ka noqotay xayiraad ay kusoo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya kuwaasoo kala ah; United Arab Emirates, Saudi Arabia, Qatar, Jordan, Kuwait, Bahrain, Afghanistan, iyo Iraq.

Xayiradaas oo ahayd in wadamadan aanan loo dhoofin shaqaalaha reer Uganda ayaa lasoo rogay kadib markii uu dilaacay safmarka Covid-19.

Frank Tumwebaze, wasiirka arrimaha Bulshadda, Jinsiga, iyo Shaqaalaha Uganda oo Talaadadii ku dhawaaqay go'aankaas, ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiri doonan habraacyo ay soo rogi doonan maalmaha nagu soo fool leh.

"Tani waanu ku wargelinay dhamaan shirkadaha shatiga u haysta in ay dibada u dhoofiyaan shqaalaha," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, howlwadeenada waxaa waajib ah in ay maraan tijaabo caafimaad oo Covid-19 ah kahor inta aysan dhoofin.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii dowladda Uganda ay xayiradaan soo rogtay si ah uga hortagto faafitaanka Coronavirus.

Inkasta ay caqabad ku noqdeen muwaadiniinta gudaha dalka wax ku baratay, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay ajaaniibta ka qabtaan shaqooyinka kala duwan tusaale ahaan dhismaha guriyaha iyo ganacsiyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM