Xeer ilaaliyaha Somalia oo ka hadlay xarigga sharci darada ah [Dhagayso]

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xilligan uu dhamaaday waqtigii dadka la iska xir-xiri jiray, isaga oo ku sababeeyay in sharciga dalka uu yahay mid shaqeynaya. 

Xeer ilaaliyahu wuxuu tilmaamay qof aanan maxkamad la soo marsiinin inuusan ku xirnaan karin saldhigyada magaalada Muqdishu in ka badan 48-saacadooda.

"Waa dhamaatay xilligii dadka la iska xiri jiray, waxaan sameynay dadaalo badan, waana laga gudbay, wali waxbaa jira, laakiin waa wax aan aad u badneyn”Ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.  

Axmed Cali Daahir ayaa xusay in 17-ka Saldhig ee ku yaalla magaalada Xamar qofna inuusan si sharcidaro ah ugu xirnaan karin.  

Xeer ilaaliyaha Qaranku inkastoo uu sheegaayo in sharciga dalku shaqaynayo, hadana waxaa jira shakhsiyaad  badan oo muddo ku xabisnaa jeelasha magaaladasi kuwaas oo aan weli helin cadaalad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM