XFS: Ma aqoonsanin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qoraal soo saartay ayaa xustay in habraaca loo marayo coddeynta maamulkan ay tahay mid aanan "waafaqsaneyn" dastuurka waddanka.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo maanta magaaladda Kismaayo lagu doortay gudoonka baarlamaanka labaad ee maamulkaasi oo ay kusoo baxeen xubihii hore.

Doorashadda madaxweynaha ayaa loo balansan yahay 22-ka bisha August ee sanadkan xili murashaxiinta la siiyey muddo kordhin ay isku diiwaan-geliyaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo lagu fahfaahiyey habraaca ay rabto in la maro ayaa waxaa horey ganafka ugu dhuftay mas'uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM